Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka sidoo kalena kamid ahaa Xubnihii Is bedel doonka Jubbaland ayaa sheegay inay furi doonaan gal dacwadeed ka dhan ah Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera.
Qoraal ku qornaa luuqada Ingilis-ka oo uu soo saaray Xildhibaan Xidig ayuu ku eedeeyay Amb. Francisco Madiera in Shirkii Golaha Ammaanka ee dhawaan qabsoomay uu ugu gefay mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed.
Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera oo dhawaan ka hadlayay Shirkii Golaha Ammaanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu heshiis la gaaray Xubno kamid ah Mucaaradka kasoo jeeda Beesha muhiimna ay tahay in Beelaha kale uu la hehsiiyo taasi oo ka careeysiisay Xildhibaan Xidig.
Xildhibaan Xidig waxaa uu sheegay in Amb. Francisco Madiera uu lumiyay kalsoonidii iyo dhexdhexaadnimadii, isla markaana wax laga xishoodo ay tahay in dibloomaasiyiinta howlgalka midowga Afrika ay faragalin ku sameyn karaan siyaasada qabiilooyinka Soomaaliyeed ee heerkaan ka jira isagoo adeegsanaya erayga ‘Ogaadeen-Pact’ bayaankiisa UN.
“Laga soo bilaabo 1991, markii dagaaladii Sokeeye ee Soomaaliya qarxeen, dibloomaasi ajnabi ah waligiis magac qabiil kuma uusan isticmaalin magacyo ka dhan ah qabiilooyinka kale taas oo uu Madeira sameeyay. Hadalkiisa ayaa ahaa nasiibdarro wuxuuna ku dhacay meel hooseoo saameyn ku yeeshay Soomaali badan: ayuu yiri”Xidig.
Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, UN, IC iyo AU in si deg deg ah shaqada looga eryo Francisco Madeira maaddaama uusan sii ahaan karin dhexdhexaad.



