Xildhibaan lagu doortay Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayan in Maanta halkaasi ka dhacday Kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Waxaa ku tartamayay kursiga Musharaxiinta kala ah Maxamed Cilmi Afrax ( mideeye) iyo musharax Cabdulahi Faarax wehliye.

Cabdullahi faarax Wehliye  ayaa helay  28 Cod Waxaana xumaaday 3 Cod, halka Musharax Mideeye uu helay 17 Cod.

Ammaanka xarunta ay ka dhaceysay doorashadda ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana dhammaan dhuusamareeb ku sugnaa Ergadii doorashadda.

Guddiga doorashooyinka ayaa shaaciyay in uu guulaystay Xildhibaan Cabdulaaahi Faarax Wehliye oo hadda ah Wasiir dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Kursiga Maanta doorashadiisa ay ka dhacday Dhuusamareeb ayaa horay waxaa uga geeriyooday allaha unaxariiste Bootaan Ciise Caalin.