Wararka naga soo gaaraya degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal beeleed khasaare geystay.
Dagaallka ayaa u dhaxeeyay beello walaalo ah waxaana la xaqiijiyey in dagaalladaasi ay ku dhinteen 2 qof, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.
Dagaalka ayaa salka ku haaya Muran dhul ku yaalla degmada Galdogob ee gobolka Mudug.
Qof ka mid ah dadka Galdogob ayaa Risaala u sheegay in ay wali taagan xiisadda u dhaxeysa Beelahaasi,islamarkaana ay waddaan labadda dhinac hub aruursi.
Maamulka degmada Galdogob iyo sidoo kale saraakiisha Ciidamada Booliska ee degaanka ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu dejinaayo Xaaladda kacsan.



