Xiisad dagaal oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta deegaano hoostaga degmadaas ay ka taagan yihiin xiisado dagaal.

Xiisadaas ayaa waxaa ay u dhaxeeysaa laba maleeshiyo Beeleed oo kasoo kala jeeda Gobolada Hiiraan & Galgaduud,taas oo ka dhalatey dilal la Xariiro aanooyin Qabiil oo ka dhacay deegaanka Bacda oo hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha deeganka Qamno ee gobolka Hiiraan Cabdi Salaad Gaaboow ayaa sheegay in xiisadaan ay timid,kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerarku dileen dad Shacab ah,isla markaana falkaan uu daba joogo dilal horey u dhacay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in labada maleeshiyo Beeleed ay isku hor-fadhiyaan inta u dhaxeysa Degmada Matabaan iyo Deegaanka Bacda,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in laga cabsi qabo inay wada dagaalamaan.

Mas’uuliyinta maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan weli kama hadlin xiisadaas,waxaana xusid mudan in tira ka dhowr jeer ah tuulooyin hoostaga degmada Matabaan ay ka dhaceen dagaal beeleedyo,kuwaas oo horey xal looga gaarey.