Kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa ku dhaw la soo wareegitaanka xidiga reer Spain ee Barcelona qadka dhexe kaga ciyaara ninka lagu magacaabo Denis Suarez.
Unia emry ayaa baahi badan u qabo soo qaadashada ciyaariyahankaan qadka dhexe ka xamaasha kaasoo uu u arko mid wax weyn ka tari kara kooxdooda.
kooxo badan oo qaarada yurub ka dhisan ayaa ku raad jooga Denis Suarez sida Chelsea iyo AC Milan kuwaas oo loolan adag la galaya kooxda Gunners.
Ramsey ayaa ka tagaya dhamaadka xilli ciyaareedka sidaasi darteed Arsenal waxay badalkiisa u arkaan Suarez oo Barcelona ka ciyaara.
Barcelona ayaa inta badi ka faa’iideesanin wiilka tayada badan ee Suarez kasoo inta badi keedka uu dhigo macalin Valverdi.



