Xiddigii Real Madrid Ee Laga Helay Korona FayrasOo Soo Hadlay Iyo Kulanka Champions League

Xiddiga Real Madrid Mariano Diaz ayaa hadlay markii ugu horeysay ka dib markii laga helay fayraska Korona ka hor kulanka Champions League ee ay kooxdiisa la ciyaareyso Man City bilowga bisha soo socota.

Real Madrid ayaa baaritaano ku sameysay ciyaartoydooda iyagoo jooga guryahooda, weeraryahanka reer Dominican ayaa la helay fayraska isagoo haatan ku jira karantiil.

Mariano ayaa muuqaal uu iska soo duubay waxa uu soo dhigay baraha bulshada galabta.

Laakiin in xiddig u ciyaara Real Madrid laga helay Korona Fayras ayaa shaki gelineysa kulankaan oo ay ka harsan tahay 10 maalmood.

Waxaa haatan lagu dhaqaaqi doonaa baaritaano kale iyo ciyaartoyda uu la kulmay Mariano Diaz maalmihii ugu danbeeyay si loo xaqiijiyo in ciyaartoyda kale ee Los Blancos inaysan qabin fayraska.