Xeerilaaliyaha Qaranka oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hogaaminaayo Xeer Ilaaliyah Guud Qaranka  Ahmed Ali Daahir ayaa Maanta gaarey Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay.

Waxaa Garoonka Diyaaraha Baydhabo Ku soo Dhaweyay Wasiiro , Xildhibaan Katirsan DGKGS Iyo Guddomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dowlad Goboleedka KGS Mudane Ahmed Ali Muuse.

Soodhaweyn ka dib waxaaa loo soo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Koonfur galbeed Halkaasi oo ay kullan kula qaateen Guddoomiyaha Baarlamanka KG Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye , Iyagoona ay iska xog wareysteen Xalladda dalka Soomaaliya Iyo Ujeedka Maanta Baydhabo Usoo gaareen.

Dhanka Kale wafdiga Xeer Ilaaliyah qaranka Ayaa Waxaa ay Booqdeen Xaruunta Maxkamada Sare Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya , Waxana Halkaasi Ku soo dhaweyay Shaqaalaha Maxkamadda Iyo Madaxdooda qeybahooda Kala Duwan.

Ahmed Ali Daahir ayaa ka warbixiyay Ujeedada ay usoo gaareen Magaalada Baydhabo , Isagoona sheegey In uu uyimid sidii ugu koorgali lahaa qaabka Ushaqeeyo Xabsiga Iyo Garsooka KGS.