Waxaa xayiraad adag lagu soo roggay guud ahaa qeybta India ay ka maamusho Kashmir, ganacsiguna maa mid xiran, halka dadkana ay guryahooda ku sugan yihiin.
Sidoo kale waxaa la jaray adeegga internet-ka ee deegaankaasi.
Arrintan ayaa ka dambeysay dibed bax rabshado watay oo Sabtidii shalay ahayd ka dhacay deegaankaasi.
Dibed baxa ayaa ka dhashay dil ay ciidanka ammaanka u geysteen Burhan Wani, oo ahaa hoogaamiye kooxeed caan ah.
Rabshadahaasi ayaa waxaa ka dhintay ugu yaraan 15 qof.
Qaar ka mid ah dibed baxayaashaasi ayaa weerarray booliska iyo saldhig ay leeyihiin milateriga India.
Ciidanka ammaanka ayaa dibed baxayaashaasi u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo weliba rasaas.
Booliska ayaa hadda ku dadaalaya sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka, waxaana ay su’aal ka taagan tahay awoodda ay u adeegsadeen dibed baxayaasha iyo weliba saamaynta uu dilka Wani ku leeyan karo jiilka da’da yare e Kashmir.


