Xasan Sheekh Maxamuud oo codsi u diray dowladda Mareykanka

Madaxweynihii Hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siiyay mid ka mid ah Wargeysyadda kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa dowladda Mareykanka ka dalbaday in ay ka fiirsato Waxyeelada kasoo gaari karta Shacabka Soomaaliyeed duqeynta ay ka geysanayso Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maamulka Madaxweyne trump ka codsaday in ay ka taxadaraan dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan degaanada ay joogaan Al-Shabaab.

Waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in lala dagaalamo Shabaab, iyadoo laga baaqsanayo in dhibaato la gaarsiiyo Shacabka.

Dhankale Madaxweynihii Hore Soomaaliya ayaa dowladda Mareykanka ka codsaday in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in ay ka taageerto dagaalka Al-Shabaab.

Waaxda Difaaca ee dowladda Mareykanka ayaa dhawaan Madaxweyne Trumo  waxaa uu u saxiixay in ay si joogto ah ay u beegsan karaan goobaha ay joogaan Shabaab ,iyadoo oo aan ka amar qaadanin cidna.