Xamaas oo shuruud ku xirtay xabad joojin ka dhaqan gasha Gaza.

Xamaas ayaa ka jawaabtay soo jeedinta xabbad joojinta Maraykanka, waxaana ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay sii daayaan 10 la hayste oo Israa’iili ah oo nool iyo 18 qof oo dhintay la haystayaal si ay ugu beddelaan tiro maxaabiis falastiiniyiin ah, iyaga oo codsaday in wax laga beddelo qorshaha xabbad joojinta.

Kooxda ayaa ku celisay dalabaadkeeda xabbad-joojin joogta ah, ka bixitaanka Israa’iil ee Qaza oo dhammaystiran iyo dammaanad-qaadka sii socoshada joogtada ah ee gargaarka bini’aadantinimo. Midkoodna kuma jiro heshiiska miiska saaran.

Ma ahayn diidmo cad ama aqbalid ee shuruudaha Maraykanka, taas oo Washington ay sheegtay in Israa’iill aqbashay.

Xamaas ayaa sheegtay in ay u gudbisay jawaabteeda qabyo qoraalka Mareykanka ee uu soo jeediyay Steve Witkoff, ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u qaabilsan bariga dhexe.

Bayaan uu soo saaray, Witkoff wuxuu ku yiri: “Waxaan helay jawaabta Xamaas ee soo jeedinta Mareykanka. Gebi ahaanba waa wax aan la aqbali karin oo kaliya dib u dhac nagu keenaya. Xamaas waa in ay aqbashaa soo jeedinta qaab dhismeedka aan soo bandhignay oo saldhig u ah wadahadallada u dhow, kaas oo aan isla markiiba bilaabi karno todobaadka soo socda.