Dhageyso:-Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigey dad dil geysatay

Ciidamada Ammaanka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen rag dil ka geystay inta udhaxeysa degmooyinka Guriceel iyo Matabaan.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Guriceel oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in howlgal ay sameeyeen ay kusoo qabteen ragaan dilka gaystay.

Waxa uu sheegay in raggaan ay ahaayeen maleeshiyaad jid gooyooyin u dhiganayay dadka shacabka ah ee isticmaala inta u dhaxeysa degmooyinka Guriceel iyo Matabaan ee Gobolada Hiiraan & Galgaduud.

Waxa uu intaas ku daray in ay gacanta kusoo dhigeen dadkii arintaas fududeeyay iyo kuwii fuliyay balse hal shaqsi oo qayb ka ahaa dadkii dilka gaystay uu gacantooda ka maqan yahay,isla markaana ay ku raad joogaan.