Xabad joojin ka dhaqan gashay dalka Syria

Dalka Syria wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan inay halkaasi ka dhaqan gashay xabad joojin u dhaxeysa Xoogaga Mucaaradka iyo Dowladda, xilli maalmihii la soo dhaafay dad fara badan ay ku dhinteen duqeymo lagu garaacay Magaalooyinka ka tirsan Syria.

Xoghayaha Arimaha Dibada dalka Mareykanka John Kerry ayaa sheegay xabad joojinta Syria inay muujinayso Syriyada midowday, isaga oo intaasi ku daray inay suuragal tahay in la carqaladeeyo xabad joojinta.

Kerry ayaa tilmaamay saacadaha soo socda iyo maalmaha soo socdaba inay macquul tahay carqaladeyn lagu sameeyo xabad joojinta sida rasmiga ah uga dhaqan gashay Syria.

Waxa uu dhammaan dhinacyada qeybta ka ah ugu baaqay inay u hogaansamaan qodobada ku xusan heshiiska.

Waxa uu sheegay in Ruushka uu ballan qaaday in madaxweyne Asad uu xushmeynayo xabad joojinta oo ciidamada Dowladda aysan sameyn doonin inay iyaga jabiyaan xabad joojinta.

Heshiiska cusub ee Xabad joojinta Syria, ayaa la tilmaamayaa inuu ka dhaqan galay inta badan Magaaloyinka dalka Syria oo dadka ay dareemayaan xoogaa xasilooni ah.

Magaalooyinka Xalab iyo Idlib ee dalka Syria, maalmihii la soo dhaafay waxaa sidii roobki oo kale ugu daadanaayay duqeymo ay fulinayeen diyaarado dagaal, taasi oo ka dhalatay Khasaare fara badan oo Bulshada soo gaartay.