Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan dowladda ay rasaas ku fureen Guri uu ku sugnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug.
Ciidamo ilaalo u ahaa madaxa Xukuumadda Galmudug oo ku sugnaa Xarunta INJI ayaa rasaas lagu furay, mana jirto wax Khasaare ah oo ka dhashay Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Guriga rasaasta lagu furay ayaa sidoo kale waxaa ku sugnaa Guddiga doorashooyinka Galmudug ee uu Magacaabay madaxa Xukuumadda Galmudug.
Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa ka jirta Magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaasi buux dhaafiyay Ciidamo ka tirsan dowladda iyo Kuwa Ururka Ahlusunna.



