Gaalkacyo-RisaalaFM- Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa saakay degan kadib markii shalay uu ka dhacay Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa weli waxa ay isku hor fadhiyaan Galbeedka Magaalada Gaalkacyo oo inta badan ay Dagaalada ka dhacayeen, waxaana mar walba la filan karaa Dagaal, maadaama weli labada ciidan aan la kala qaadin.
Wariyaha Risaala ee Magaalada Gaakacyo ayaa soo sheegaya in saakay xaaladu ay tahay mid degan, waxaana saakay Magaalada aanay ka dhicin wax Rasaas ah oo labada dhinac ay is weedaarsadeen.
Dadka qaar oo rajo wanaagsan ka qabay in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Gaalkacyo ayaa dib u laabtay, maadaama uu markale bur buray heshiiska ay wada gaareen Labada Madaxweyne.


