Xaaf oo ka hadlay warar laga faafiyay

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa faahin ka bixiyay safar uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii maanta uu magaalada Muqdisho ka soo degay.

Wuxuu sheegay safarkiisa in uu ku saabsanaa kulamo uu la soo qaadanayay Hay’adaha Deeq bixiyeyaasha oo uu kala hadlayay hormarinta degaanada Galmudug, wuxuu sidoo kale tilmaamay in uu la soo kulmay Soomaalida ka soo jeeda degaanada Galmudug ee ku sugan Nairobi.

Xaaf wuxuu beeniyay in uu la soo kulmay masuuliyiin ka socotay Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Qadar, oo ka mid ah Dowladaha Khaliijka ee khilaafka uu ka dhaxeeyo, warbaahinta qaar waxay baahiyeen Madaxweyne Xaaf in uu Nairobi kula soo kulmay masuuliyiin ka tirsan Imaaraadka Carabta iyo Qadar.

Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in uu si deg deg ah ugu laaban doono magaalada Cadaado, si uu u sii wado howlaha shaqo ee u yaalla.