Kooxo Burcad ah ayaa waxaa la sheegay in xalay Xaafada Buulo Xuubeey oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolkan Banaadir ku dileen Wiil Dhalinyaro ah, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Wiilka Dhalinyarada ah ee la dilay oo lagu Magacaabi jiray Axmed Xuseen, ayaa waxaa la sheegay in ragga burcadda ah ay doonayeen inay ka dhacaan Mobile uu watay, hayeeshee muran dhex-maray kadib ay dhowr xabadood ku dhufteen.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka kadib Kooxda Burcadda ah ay Wiilka Dhalinyarada ah ay ka qaateen Mobile uu watay iyo Agab kale, iyaga oo goobta ka baxsaday.
Wiilka Dhalinyarada ah ee la dilay ayaa waxaa dad yaqaay ay sheegeen in uu ahaa Aqoonyahan rajo badan ka lahaa dalka, hayeeshee Kooxda Burcadda ah ay dileen.
Laamaha Ammaanka Soomaaliya iyo Maamulka degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir wlei kama hadlin falkaan, waxaana fal noocaas oo kale ah uu horay uga dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir.




