Muqdisho-RisaalaFM- Hay’adda caafimadka Aduunka ee loo soo gaabiyo WHO ayaa waxa ay ka hadashay cudurada Abaarta ay sababtay ee ka dilaacaay dalalka ay Abaaraha ka jiraan, gaar ahaan Soomaaliya.
Waxa ay sheegtay Hay’adda muhiim in ay tahay in wax laga qabto cudurada ka jira Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Daacuunka iyo Shuban-biyoodka.
Sarkaal u hadlay WHO ayaa sheegay dad gaaraya 31,764 ay cudaradan la daalaadhacayaan, loona baahan yahay in si deg deg ah ay u helaan Dawooyin caafimaad, si loo badbaaiyo.
“WHO intii karaankeeda waxa ay wax ka qabaneysaa cudurada Daacuunka iyo Shuban-biyoodka, dadka uu soo ritay, Abaartan waa mid macluul isku bedeshay, waa muhiim in dadkan la badbaadiyo.”Ayuu yiri masuulka u hadlay WHO.
Sidoo kale Sarkaalkan ayaa Beesha Caalamka iyo dalalka caalamka ugu baaqay in ay dhaqaale ku bixiyaan, sidii loogu gurman lahaa dadka ay Abaaraha ku saameeyeen dalalka, Somalia, Nigeria, South Sudan iyo Yemen.
Cudurada Shuban-biyoodka iyo Daacuunka Illaa iyo hadda waxaa la soo sheegay in 618 qof ay u dhinteen, iyadoo ay socoto dadaal tallaal ah oo 450,000 oo qof la tallaalay.


