Wenger Oo Xaqiijiyay Xididga Maqan Iyo Kuwo Kusoo Laabtay Kooxda Ka Hor Kulanka Sabtida

Ka hor ciyaarta sabtida, Arsene Wenger ayaa kaga hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya ciyaarta Sabtida dhawacyada kooxdiisa.

Laurent Koscielny ayaa seegay kulankii ay 4-3 guul darro kala kulmeen  kooxda Liverpool ka dib markii uu kusoo laabtay tababarka kaliya 8 August.

Iyadoo Gabriel uu kula biiray dhawaca Per Mertesacker, Rob Holding iyo Calum Chambers ayaa lagu qasbay inuu ku soo bilowo macalin Wenger kulankii todobaadkii la soo dhaafay uu wajahay Liverpool,

Wenger ayaa sheegay in Koscielny uu ku dhow yahay inuu uu kusoo laabto waqtigaan kooxda.

Mesut Ozil iyo Olivier Giroud ayaa sidoo kale ka maqnaa khasaarihii Liverpool ka dib markii tababarka waqti dambe ay kusoo laabteen.

Wenger ayaa si maldahan u shegay in labada ciyaaryahan aysan kusoo bilaaban Karin kulankaan, lakiin waxa auu rajo wanaagsan ka muujiyay in uu safka hore soo galo Koscielny.