Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in uu aaminsan yahay mustaqbalkiisa mudada dheer ee Hector Bellerin inuu yaalo kooxda Arsenal.
Tababaraha Faransiiska ayaa la yaabay wararka la xiriirinaya daafaca dambeedka midig ee Spain inuu ka tagayo garoonka Emirates sabab la xiriirta inuusan ku faraxsaneyn kooxda.
21-sano jirkaan ayaa sidoo kale qarka u saaran inuu saxiixo qandaraas cusub ,Wenger ayaa aaminsan in uu daafacaaan waqti dheer sii joogayo kooxda.
“Waxa uu leeyahay ku dhawaad saddex sano oo heshiis ah, waxaan had iyo jeer isku dayi doonaain aan qiimo sare siino ciyaartooyda muhiimka ah ee kooxda ayuu yiri Wenger.
“Waxaan isku dayi doonaa in uu qandaraaskiisa kordhiyo, mustaqbalkiisa mudada dheer waxaan aaminsanahay inuu yaalo halkaan ayuu yiri macalin Wenger.


