WELI SHAKI: Barcelona oo 12 kulan horyaalka ah xili ciyaareedkaan ciyaartay iyadoo Casaan loo taagayay kooxda kasoo horjeeda

Iyada oo kaarka cas loo taagay xalay Heiko Westermann kulankii u dhaxeeyay Real Betis iyo Barcelona ee ka dhacay Bento Estadio Villamarin, Catalans ayaa haatan ciyaartay 12 kulan iyadoo kooxda kasoo horjeeda laga saaray ciyaaryahan.

Blaugrana ayaa faa’iido weyn ka heshay xili ciyaareekaan garsoorayaasha kubadda cagta ,waxaana kaliya laga badiyay mid kamid ah 12 kulan oo kooxda kasoo horjeeda casaan loo taagay.

Kulankii Real Madrid ee El Clasico, iyo kii 2-2 ee ee EL Madrigal Estadio ee ka dhanka ahaa Villarreal ayay kaliya badin waayeen marka casaan lo taago kooxda kasoo horjeeday Barcelona xili ciyaareedkaan.

Waxay ku guleysteen in casaan lasiiyo markii ay wajahyeen kooxaha Rayo Vallecano, Real Madrid, Athletic Bilbao iyo Atletico Madrid, Espanyol iyo Valencia.