Dowladda Mareykanka ayaa dowladda Kenya uga digtay Weeraro Argagixiso oo ay geystaan Al-Shabaab oo ka dhaca Magaalooyin ka tirsan dalka Kenya.
Dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay jirto cabsi ku aadan weeraro ka dhaca Magaalo xeebeedyada dalka Kenya , halkaasi oo ay ku badan yihiin dadka ka yimaada dalalka ka baxsan Kenya.
War sirdoonka dowladda Mareykanka ay usoo gudbiyeen sirdoonka Kenya ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Mareykanka ah looga baahan yahay in ay dhaqdhaqaaqa badan ay joojiyaan .
Sidoo kale dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya oo ah meelah weerarada ugu badan ay ku qaadan Al-Shabaab in ay kusoo wajahan yihiin weeraro cusub.
Magaalada Lamu ayaa la sheegaya in ay ka baxeen dadka aan Kenyaan aheyn sababo la xariira ammaankooda.
Dowladda Kenya ayaa sidoo kale la sheegaya in ay heegan gelisay ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Magaalo xeebeedyada dalka Kenya.
Sarkaal Sare oo u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin Weeraro ka yimaada Al-Shabaab.
Horay ayaa dowladda Mareykanka waxa ay muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan dalka Kenya sababo la xariira ammaankooda.
Al-Shabaab ayaa dalka Kenya Weeraro ku qaadayay tan iyo sanadkii 2011 kii Mar kasoo ciidanka dowladda Kenya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya.


