Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii hore waxaa ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Puntland ku leeyihiin degaanka Af-urur oo hoostaga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa madaafiic dhowr ah oo ku dhacay Saldhiga iyo agagaarkiisa, sidoo kalena Ciidamada Puntland ay dhankooda tiro madaafiic ah ku jawaabeen.
Weli lama cadeyn khasaaraha ka dhashay madaafiic, hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay weerarka ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Puntland ay saldhiga Af-urur ay isaga baxeen.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in sidoo kale dagaal kooban uu duleedka degaanka Af-urur ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Puntland oo ku wajahnaa degaanka Af-urur, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.
Dhowr jeer ayaa ayaa Al-Shabaab waxaa ay weerar madaafiic ah iyo mid toos ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Puntland ee Af-urur, waxaana sidoo kale Ciidamada Puntland dhankooda ay sameeyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.



