Weerar lagu qaaday guriga Sarkaal ka tirsan NISA

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in xalay weerar loo adeegsaday bambo gacmeed lagu qaaday guriga uu Magaaladaasi ka degan yahay Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka mid ah Saraakiisha NISA qeybta Galmudug.

Cabdullaahi Cabdi Raage ayaa horay uga mid ahaa Saraakiishii ciidanka Ahlusunna ee ku biiray dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Qaraxyada loo adeegsaday Bambooyinka waa uu ka badbaaday Sarkaalka sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Saraakiisha NISA ee degaanada Galmudug.

Weerarkaan ayaa ah Midkii ugu horreeyay ee ka dhaca Guriceel ee loo adeegsado bambooyin, waxaana isla xalay Ciidanka Ammaanka ay bilaabeen howlgallo Ammaanka lagu xaqiijinaayo.