Weerar lagu qaaday Ciidamo ka tirsan dowladda

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaasoo marayay wadda u dhaxeysay Qalimow iyo Balcad ee Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada ayaa marayay markii Weerarku qabsaday degaanka Xaashi .

Inta la xaqiijiyay 2 Askari ayaa ku dhimatay 4 kalena waa ay ku dhaawacmeen Weerarkaasi.

Wariyaha Risaala ee Magaalada Jowhar ayaa kusoo waramaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowlada  ay ku baxeen goobta Ciidamada lagu Weeraray.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyiinta Weerarkaasi, waxaana ay sheegeen in uu ka baxsadeen ciidamada ay Weerareen waa sida ay sheegeen , laakiin ay gaarsiiyeen Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle ee ku aadan Weerarkaasi.