Weerar Khasaare Geystay oo xalay ka dhacay Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen Guri uu degan yahay mid ka mid ah Ergooyinkii soo doortay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Kooxaha Hubeysan ayaa la sheegay in ay guriga ku Weerareen Bambooyin waxaana ka dhashay khasaare dhawaac ah sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka.

Ninka gurigiisa la Weeraray ayaa waxaa lagu magacaa Shaceyb Isaaq,waxaana dhaawac uu soo gaaray 3 qof oo dumar ah oo Guriga joogay.

Dadka ku dhaawacmay Bambooyinkaasi ayaa la sheegay in Xaaladooda Caafimaad ay Wanaagsan tahay.