Weerar ka dhacay deganno ka tirsan gobalka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada xoogga oo kaashanaya dadka deegaanka ay weerar ku qaadeen deegaanka Bacaadweyne, halkaasi oo ay saldhigyo ku leeyihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamada ayaa ka ruqaansaday deegaanka Laas-gacamey oo qiyaastii 14km u jirta Bacaadweyne, oo Shabaabku ay saldhig ciidan ku leeyihiin.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha, maadaama weli howlgal uu ka socda galbeedka gobolka Mudug,

Ciidamada xoogga oo kaashanaya dadka iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay ku dagaalameen deegaanka Bacaadweyne.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah qorshaha degsan ee la doonayo in Maleeshiyaadka Al-shabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Koofurta gobolka Mudug.

Kooxda Al-shabaab ayaa dareensan in culeys uu ka soo fuulay ciidamada faraha badan ee muddooyinkii ugu dambeysay lagu diyaarinayay gobolkaasi.

Waa culeyskii ugu weynaa ee ka soo wajaha dhanka Ciidamada Qalabka Sida iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay, ka dib in ka badan toban sano oo Shabaabku ka hawlgaliyeen gobolkaasi.

Gobolka Mudug ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab, kaasi oo xiligan ka socda qeybo ka mid ah duleedka magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.