Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Wararka laga helayo degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay weerar lagu dilay laab ruux oo kamid ah dadka ku nool degmadaas.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen goob ay ku sugnaayeen dad Shacab ah, waxaana halkaasi ku dhintay laba Ruux oo Magacyadooda lagu sheegay Shiino farah gurxan ( Shiine dhihii ) iyo Cabdulle Diiriye Shaaciye.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan sababah dadkaasi loo dilay, waxaana dad ku sugan degmada Cabudwaaq ay Risaala u sheegeen in sababaha dadkaasi loo dilay ay tahay aano qabiil oo maalmahaan ka jirtay degmadaas.

Ragga dilkaasi ka dambeeyay oo ku hubeysnaa Qoryaha fudud ee AK47 ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen, waxaana ku raad jooga Ciidamada Booliska degmadaasi Cabudwaaq.