Weerar 3 qof lagu dilay oo ka dhacay Mudug

Inta la xaqiijiyay ilaa Saddex qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay miyiga galbeedka gobolka Mudug halka uu ku dhaawacmay wadihii gaariga , kaasi oo la rumeysan yahay inuu ahaa mid ku saleysan aano qabiil.

Weerarkan oo ahaa mid jid gal ah ayaa waxaa lagu qaaday Gaari marayay Galbeedka gobolka Mudug kuna sii jeeday degmada Galdogob,waxaana dadka ku dhintay  mid ka mid aheyd ahayd haweeney.

Dadka deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa Warbaahinta waxa ay u sheegeen in maleeshiyaadkii ka dambeeyay weerarkasi ay goobta ka baxsadeen,waxana darawalkii gaariga eek u dhaawacmay weerarkaas la geeyay Isbitaalka Magalada Gaalkacyo.

Maamulka gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug weli kama hadlin weerarkaas rasaastra ah ee Maanta lagu qaaday gaari ay saarnayeen dad Shacab ah oo marayay Galbeedka gobolka Mudug.