Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in waxgarad ka baxay degmada Guriceel, islamarkaana kusii jeeday degmada Ballanbale ay shil gaari ku galeen halkaasi, waxaana jira Khasaare.
Qaar ka mid ah waxgaradka ayaa la sheegay in gaari ay saarnaayeen in uu rogmay, waxaana Saddex Nabadoon soo gaaray dhawaacyo.
Waxgaradka dhaawacmay waxaa ka mid ah:
Nabadoon Maxamed Adan Rooble Xood
Nabadoon Omar Sheekh Cabdi Waaxid
Nabadoon Cali Daahir Xaashi (Cali Gubad)
Qaarkood waxa ay la sheegay in ay soo gaareen dhaawacyo culus,halka Waxgaradka qaarna uu soo gaaray dhaawac Fudud.


