Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Chelsea ee Olivier Giroud ayaa shaaca ka qaaday inuu jecel yahay inuu Blues kula guuleysto horyaalka Premier League, kaddib markii uu ku soo guuldarreystay inuu koobkaas ku qaado Arsenal.
Xiddiga reer France ayaa saddex jeer u saftay kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League, kaddib markii uu naadiga Gunners uga soo biiray 18 milyan oo gini maalintii ugu dambeysay suuqii Janaayo.
31-sano jirkaan ayaa sheegay inaysan weli dhammaan rajadiisa uu ka qabo inuu mar uun kor u qaado horyaalka xiisaha leh ee English Premier League ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisan, laakiin waa uu ogyahay inuusan xilli ciyaareedkan ku guuleysanaynin koobkaas.
“Ma garanayo haddii aan dhihi karno taariikhdeydii Arsenal waa mid laga qoomameeyo, laakiin waxaan qabaa dareen yar oo ah inaanan dhammaystirin ganacsigii, sababtoo ah waxaan aad u jeclaan lahaa inaan horyaalka Premier League kula guuleysto Arsenal.” ayuu Giroud u sheegay SFR Sport.
“Sidoo kalena shan sanadood iyo bar sidaasi isagama hilmaami kartid, marwalbana sidaas ayaan iraahdaa, taasina waxay ahayd yoolkeygii ugu dambeeyey, laakiin weli ma dhammaanin hadafkeyga, weli waxaan joogaa Premier League waxaana haatan ku sugan nahay Chelsea.”
“Sanadkaan waxaan u malaynayaa in horyaalka uu na dhaafay, laakiin sanadka soo socda waxaan imaan doonnaa inagoo hami aad u weyn leh, weli waxaan doonayaa inaan ku guuleysto horyaalka Premier League ka hor inta aan ciyaarahayga soo gabagabaynin.”
Chelsea ayaa ku guuleystay horyaalka Premier League kaddib 30 kulan oo ay guul gaartay 38 kulan oo ay ciyaartay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, tababare Antonio Conte ayaana ku raaxaystay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee Galbeedka Magaalada London.




