Wax Walba Oo Aad Kaga Baahan Tahay Kulanka Arsenal vs Liverpool

Arsenal ayaa ku martigelineysa Liverpool garoonka Emirates Stadium caawa oo jimco ah, iyadoo farqi hal dhibic ah uu u dhaxeeyo labada kooxood ee ka dhisan Premier League.

Liverpool ayaa booqan doonta Waqooyiga London ka dib markii ay 4-0 ku garaacday Bournemouth, halka Arsenal ay shabaqa ilaashatay seddexdii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan.

OGEYSIISKA KULANKA

GAROONKA: Emirates Stadium

SAACADA: 10:45 PM

MAXAA CUSUB?

Arsenal ayaa waxaa ka maqnaan doona Olivier Giroud ka dib markii weeraryahanka reer France uu dhaawac kasoo gaaray kulankii EFL Cup e West Ham.

Aaron Ramsey ayaa sidoo kale kasoo kabanaya dhaawac, laakiin daafaca Shkodran Mustafi ayaa la filayaa inuu ciyaaro kulankaan ka dib markii uu kasoo laabtay dhaawac bowdada ah.

Jack Wilshere ayay u badan tahay inuu booskiisa khadka dhexe ka ciyaaro kulankiisii seddexaad oo isku xigta, kadib markii la nasiyay kulankii League Cup ee bartamihii Isbuucaan.

Klopp ayaa qiimeynaya xaalada taam ahaansho ee daafaca Joel Matip, kaasoo ku soo laabtay tababarka ka hor kulankii Bournemouth, halka Daniel Sturridge uu weli shaki ku jiro inuu ciyaari karo.

Alberto Moreno ayaa sidoo kale kusoo bilaaban doona kulankaan, laakiin Emre Can ayaa mar kale diyaar ah ka dib ganaax uu ku seegan kualnkii ugu dambeeyay.

Adam Lallana ayaa ku dagaalamaya booska kusoo bilaabashada ka dib markii uu bedel kusoo galay kulankii Vitality Stadium eee isbuucaan.

XAQIIQADA KULANKA

kulanka caawa ayaa ah kii 224aad ee labada kooxood ku kulmaan tartan rasmi ah, iyadoo Liverpool ay badisay 86 guul marka la barbardhigao Arsenal oo badisay 78 guul jeer.

Klopp kooxdiisa ayaan laga badinin shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen Arsenal, iyagoo labo kulan ka mid ah ku badiyay Waqooyiga London.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Arsenal:Cech; Bellerin, Koscielny, Monreal, Maitland-Niles; Xhaka, Wilshere, Iwobi; Ozil, Sanchez, Lacazette

Liverpool:Mignolet; Gomez, Lovren, Klavan, Robertson; Can, Henderson; Oxlade-Chamberlain, Coutinho, Salah; Firmino