Wax walba ka Ogow kulanka Chelsea vs Man Utd

Xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah, Manchester United ayaa Chelsea ku arkeysa FA Cup – iyadoo United ay rajeyneyso inay ka aarsato Bules guul darradii sanadkii hore ay ku garasiisay garoonka Wembley.

Isku aadka wareegga shanaad ee tartanka FA Cup ayaa imaanaya kadib markii labada koox sanadkii 2018 ay isku arken Filanka tartankaan, markaasoo Chelsea 1-0 ku badisay.

Ole Gunnar Solskjaer waa bilaa guuldarro aan tartamada maxaliga ah ee Ingiriiska tan iyo markii uu la wareegay shaqada, laakiin kow iyo toban kulan kadib, United ayaa 2-0 looga badiyay kulankii Paris Saint-Germain ee isbuucii hore kulan ay ku dhaawacmeen Jesse Lingard iyo Anthony Martial.

Lingard ayaa daqiiqadii 45aad ee ciyaartaas ka baxay garoonka, halka Martial isna dhaawac uu ku baxay qeybta labaad ee ciyaarta.

Solskjaer ma ahan mid aad uwanaagsan niyad ahaan marka uu usafrayo caawa Stamford Bridge, waxaana taageerayaasha ay ka warsugi doonaan magacyada bedeli kara labada xiddig ee muhiimka u ah kooxda.

Ogeysiiska ciyaarta

Garoonka: Stamford Bridge

Saacada: 10:30 PM

Maxaa ka cusub ee Chelsea?

> Kooxda Sarri aad ayey u yartahay in isbadal badan lagu sameeyo caawa, iyadoo Kaliya 5 isbeddel uu sameeyay tababaraha kulankii kooxdiisa u safartay Sweden.

> Goolhaye Kepa Arrizabalaga ayaa kusoo bilowday 35 ka mid ah 41 kulan oo Chelsea ay ciyaartay xilli ciyaareedkan, laakiin waxaa la filayaa inuu keydka galo, maadaama Willy Caballero uu yahay dooqa koowaad ee taranka FA Cup.

> Dhanka Andreas Christensen iyo Emerson ayaa labadoodaba waxay heleen fursad kulankii ugu dambeeyay ee Malmö, laakiin waxay u badan taahay in dib loogu celiyo keydka.

> Si kastaba ha ahaatee, Antonio Rüdiger iyo Marcos Alonso ayaa ku soo laaban doona Safka koowaad kadib markii looga tagay London kulankii ugu dambeeyay.

Maxaa Ka Cusub United?

> Lindelöf iyo Bailly ayaa noqon kara markale xulashada daafaca dhaxe ee kulanka caawa.

> Nemanja Matić aya ah ciyaaaryahanka kaliya oo ay wadaageen labada koox ee damaand qaadka u heysta inuu kusoo bilowdo kulankaan dhanka United.

> Waxaa la xaqiijiyay Jimcadii in Jesse Lingard iyo Anthony Martial ay maqnaan doonaan ilaa 3 isbuuc sabab la xiriirta dhaawac.

> Inkastoo qaab ciyaareed aad u xun uu sameeyay kulankii PSG, Alexis Sánchez ayaa la filayaa inuu kusoo bilowdo kulanka caawa.

> Taasi micnaheedu wuxuu yahay in midkood Juan Mata ama Romelu Lukaku la heli karo safaka Stamford Bridge.