Wax Ka Baro 11-Ka Xidig Oo Ay Taageerayaasha Ay Jeclaayeen Balse Haatan Ay Necebyihiin

Caadiyan kubada cagta asalkeedu waa sida Ticket-ka oo kale taasoo la micno ah markii loo baahdo la dooran karo nuuca aad rabtid marna ad ka xiisa dhaceysid, badanaa waxaa jira Ciyaaryahano magac wayn ku leh balse qof walba wuxuu ogsoonyahy in halyeey walba uu mar lumin doono xirfadiisa ciyaareyd oo laga bartay.

waxaa jira ciyaaryahano aan jecelnahay ama laga yaabo inaan necebnahay, waxaan soo qaadan doonaa 11-ciyaaryahan oo ay necebyihiin taageerayaasha kooxahooda qaarkoodna waqti dheer kusoo qaatee kooxahooda.

GK: Thibaut Courtois

Petr Cech ayaa ahaa midka kaliya ugu wacnaa chelsea soo mara sanadihii danbe balse ugu danbeyn ku biiray kooxda Arsenal waxaana xusid mudnayd in Taageerayaasha chelsea ay isha ku hayeen Gool haya badali doono Cech kaasoo noqday Thibaut Courtois, dhanka kale xidigan ayaa ahaa xidiga ugu wacnaa ee kooxda markii uu kusoo biirayey kooxda balse taageerayaasha kooxda chelsea ayaa ilaa haatan rumeysan hadalkaasi.

DF: John Terry

Kabtanka kooxda Chelsea John Terry ayaa la sheegaya inuu yahay daafaca kaliya ay ugu necebyahiin kooxda Chelsea kuwa haatan ku sugan kaasoo ay ka daba timid Da’da, waxaa xusid mudan inuu xidigan kula guuleystay kooxda Chelsea Koobab kala duwan Sida Champions League, English Premier League iyo FA CUP kaasoo ahaa kabtan u luxaayey koobabkaasi.

DF: Craig Dawson

Tani waxay la micno tahay Daafac danbedka bidix inuu ku guuldaraystay  dorashada kowaad ee kooxda inuu noqdo taasoo qof walba ee taageera kooxda West Brom uu ogsoonyahy, Dawson waa mid ka mid ah daafacyada kooxda balse dhaawacyo kasoo gaara Anqowga Jilibka Iyo Kala Baxyada lugta, hadii uu hogaamiyaha kooxda Tony Pulis uu ku darsado liiska daafacyada kooxda xitaa kama soo baxo booskisa.

DF: Daafac walba ee u ciyaara Kooxda Stoke (Bardsley/Shawcross/Cameron/Johnson)

Aafarta Daafac ee kooxda Stoke city ayaa soo bandhigeen hab ciyaareyd aysan la dhicin Taageerayaasha kooxda kuwaasoo ay ku guuldareysteen iney qanciyaan kooxdooda, sanadka markuu ahaa 1980-kii aya kooxda waxaa soo maray daafacyo ay la dahceen taageerayaasha kooxda balse ilaa haatan meysan arag daafacyo u qalmo kuwaa oo kale.

MF: Cesc Fabregas

xidigan Sida uu ahaa markii dib loo milic sado waxaa uu ahaa mid xaadira goor walba kaasoo si joogta ah u tagi jiray waxaana uu waqti wacan kusoo qaatay kooxda Arsenal kaasoo u ahaa xidig dahabi ah balse ka door biday inuu ku biiro kooxda Reer spain ee Barcelona kaasoo ugu danbeyn kusoo biiray kooxda Chelsea asigoo ka hoos ciyaarayey Jose Mourinho waxaana uu noqday xidiga ay ugu necebyihiin taageerayaasha kooxda Arsenal.

MF: Mark Noble

Taageerayaasha Kooxda West Ham ayaa aamin sinaa xidigan inuu ahaa xidig ku wacan ka ciyaarista qalbada dhaxe ee garoonka kaasoo ugu danbeyn soo bandhigay hab ciyaareyd aan lagu qanci karin kaasoo u ciyaaray kooxda ku dhawaad 400-kulan.

MF: Joey Barton

Weeraryahakna kooxda Burnley Joey Barton ayaa kasoo muuqday xiidga ku fashilmay in si wataan hab ciyaareedkoodii hore ee kooxda kaasoo ay dhaheen xidigan kaliya in loo qabo naceeb ma ahn waa inuu isaga hayaamo kooxda, xidigan ayaa kooxda qaab amaah ah uga maqna ka hor intuu kusoo laaban kooxda xagaagan.

MF: Marouane Fellaini

Ciyaaryahan walba ee ciyaara Kubada cagta ayaa si lama filaan ah uga muuqda liis uu ku qancin taaoo ay ka dhigantahy weeraryahankan inu kasoo muuqdaa 11-ka ciyaaryahan ee ay taageeryaasha jeclayen balse ugu danbeyn noqda midka ay ugu necebyihiin, xidigan ayaa ah mid u ciyaara kooxda Manchester United kaasoo ah xidig ay saaxiibo dhaw yihiin macalika kooxda Jose Mourinho balse taageerayaasha ay aragti kaliya ka dhaxeso naceeb ay u qabaan awgii.

CF: Daniel Sturridge

Xidigii hore ee kooxda Chelsea Daniel Sturidge ayaa haatan ku dhibaatoonaya kooxda Liverpool kaasoo dhaawacyo ay hareeyeen hab ciyaaredkiisa wacnaa waxaana u sabab ah inuu kasoo muuqdo xidigan liiska ciyaaryanahada lagu necebyahy waxey tahy in markii uu gool dhaliyo Qoob ka ciyaar uu sameeyo kuwaasoo ay necebyihiin taageerayaasha qoob ka ciyaarka.

CF: Wayne Rooney

Hadii dib loo eego taariikhda David Beckham ayaa ahaa mid si fudud ay ku nacaan xulka qaranka sadaxda libaax England ahana mid si fudud ay dib ugu jeclaadaan, Rooney ayaa ahaa mid si sahlan ugu gudba xidiga ugu goolsha badan dhamaan xulka sadaxda libaax kaasoo saadihii danbe soo bandhigayey hab ciyaareyd aan wanaagsaneyn xirfadiisa ciyaareyd hadii loo eego xulka iyo kooxda uu ka tirsanyahy.

CF: Diego Costa

Caadiyan xidigan ayaa ah mid si aad looga necebyahy Premier league balse ay jecelyihiin taageeraaasha kooxda chelsea ayaa kasoo muuqday liiska ciyaartoyda ay taageerayaasha dib ka naceen kuwaasoo hore u jeclaa, xidigan ayaa mar walba ku dabaal daga taageerayaasha kooxaha kasoo horjeeda balse wuxuu galay liiska loo yaqaan buuga madoow ee taageerayaasha kaasoo ah xidig aad u kaftan badan aadna u muran badan.