Wasiiro katirsan dalka Maldives oo loo xiray inay sixreen Madaxweynahooda

Booliiska dalka Maldives, ayaa xiray labo wasiir oo awood badnaa, muddo dheerna la shaqeynayay madaxweynaha Maldives, Maxamed Muizzu, iyagoo lagu eedeyay inay sixir madow ku sameeyeen madaxweynaha.

Shamnaz Saleem, oo ahayd wasiiru-dawlaha wasaaradda deegaanka, ninkeedii hore Adam Rameez, oo wasiir ka ahaa madaxtooyadda iyo laba qof oo kale ayay Booliiska xabsiga u taxaabeen, sababo la xiriira inay sixir ku haysteen madaxweynaha.

Labada Wasiir ee la xiray , waxaa loo arkayay shaqsiyaadka ugu dhow ee madaxweynaha , waxayna la shaqeynayeen oo ay jagooyin sare qabteen intii uu ahaa guddoomiyaha caasimadda Maldives ee Male.