Wasiirkii Labaad oo ku dhawaaqay in uu iska casilay Galmudug

Wasiiru dowladaha Wasaarada Qorsheynta Galmudug Cabdiraxman Maxamed Cisman (Sayruuq)  ayaa  shaaca ka qaaday  inuu iska casilay xilkii uu u hayay Maamulka Galmudug.

Xilli uu maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Cadaado ayuu sheegay in uu iska casilay Xilkii uu u hayay maamulka Galmudug oo  uu sheegay in ku dhawaad halsano iyo bar uu xilkaasi hayay.

Cabdiraxman Maxamed Cisman ayaa sheegay in awoodii maamulka  ay gacanta u jirto shaqsiyaad gaar ah ,kuwaa soo ku sugan magaalada Cadaado.

Wasiir ku xigeenka wasaarada deegaanka maamulka Galmudug Cabdifitaax Maxamuud Axmed oo saaka la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in uu iska casilay shaqadii uu  u hayay maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta  uu shaqada iskaga casilay ay tahay mid la xariirta arimo shaqsiyadeed.

Waa Wasiirkii labaad oo muddo 24 saac gudahooda sheegaya in uu iska casilay xilkii uu u hayay maamulka Galmudug.

Wasiiro Badan oo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa horay u shaaciyay in ay iscasileen  Qaarkoodna waxa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha maamulka Galmudug in uusan bixin dhaqaalihii loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan wasaaradahooda.