Garowe-RisaalaFM- Magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa kulan ku wada qaatay Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise iyo xubno kale.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo mideyn lahaa siyaasadda Waxbarashada dalka Soomaaliya iyo in Manhaj mideysan ay yeeshaan Dowladda dhexe iyo maamulada dalka ka jira.
Abshir Aw Yuusuf Ciise Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan tayada waxbarashada, lana soo saaro Manhaj iyo nidaam fiican.
Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo mideyn lahaa Waxbarashada Soomaaliya.
Ugu dambeyntii C/raxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Deeq waxbarasho ku wareejiyay maamulka Puntland.


