Wasiirka caddaaladda Gabon oo iscasilay

Wasiirka caddaaladda ee dalka Gabon Seraphim Moundounga, ayaa arrimo la xiriira doorashadii madaxtinimada dalkaasi ee muranka dhalisay iska casilay xilkiisa.

Waxaa lagu soo waramayaa in uu uga digay madaxweynaha talada haya ee Cali Bongo in uu gebi ahaanba uu laali doono natiijada doorashada haddii sida saxda ah aan loo tirin codadka.

Madaxweyne Bongo ayaa la shaaciyay in uu ku guuleystay doorashadaasi, balse mucaaradka ayaa doorashada ku tilmaamay mid uu hareeyay musuqmaasuq.

Kal hore, shalay oo isniin ahayd ayaa Jean Ping oo ah ninka uu tartanka kala dhaxeeyay madaxweyne Bongo waxa uu ku baaqay in shaqo joojin guud lagas ameeyo dalkaasi.

Waxa uu sheegay in dhowr qof oo ka tirsan taageerayaasha mucaaradka lagu dilay dalka maalmihii ay socdeen rabshadaha ka dahshay natiijada doorashadaasi.