Wasiirka Cadaalada oo kormeer ku tagay xarumaha Maxkamadaha ee dalka

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa maanta kormeer wadajir ah waxa ay ku tageen xarumaha Maxkamadaha ee dalka, waxaana ay ugu kuurgalayeen qaabka ay shaqada u socoto.

Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo mida Racfaanka ee isla gobolka ayaa masuuliyiinta uga xog waramay shaqooyinka xarumahaasi ka socda.

Ibraahim Iidle Suleymaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya uga mahadceliyay sida dhow ee uu ula socdo howlaha garsoorka ee dalka.

“Waan ku faraxsanahay inaad nala aragto howsha sida ay u socoto, garsoorka baahiyo badan ayaa ka jira, kuwaasi oo loo baahan yahay in wax laga qabto”. Waxaa sidaasi yiri Guddoomiye Ibraahim Iidle.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay garsoorka in uu dumiyay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, balse uu hada dib u dhismayo, loona baahan yahay cid walba in ay taageerto.

Sidoo kale Wasaar Xasan Xaaji ayaa sheegay Wasaaradda Cadaaladda iyo xukuumada in ay ka go’an tahay in la helo garsoor hufan, oo sinnaan iyo cadaalad ku dhisan, si shacabka Soomaaliyeed ay cadaalada ugu sinnaadaan.