Maanta ayaa markii ugu horeysay waxaa Magalada Hargeysa tegay wasiirka Arrimaha dibada dowladda Ereteriya Cusmaan Saalax Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyey.
Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magalada Hargeysa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici ,waxaana intaasi kadib la geeyey Xarunta Madaxtooyada Soomaaliland ee Magalada Hargeysa.
Safarka uu Maanta magalada Hargeysa uu ku tagay Wasiirka arrimaha Dibada Ereteriya Cusmaan Saalax Maxamed oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.
Wasiirka arrimaha dibadda Eriteriya Cismaan Saalax Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in madaxeynaha Eriteriya uu soo diray si ay u ogaadaan waxaa ka socda Somaliland.



