Wasiiradda Galmudug oo la horgeynayo Baarlamaanka

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaalle ayaa maanta lagu waddaa in uu xildhibaanada Galmudug horgeeyo Wasiirada cusub ee dhawaan  uu soo magacaabay.

Wasiirada ayaa badankood ah wasiiradii Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed uu soo magacaabay.

Madaxweynaha ayaa lagu waddaa in uu khudbad dheer u jeediyo Xildhibaanada ,islamarkaana uu ka codsado in Wasiirada la ansixiyo.

Xildhibaanada Galmudug qaarkood ayaa kasoo horjeedo Wasiiradda cusub ee Madaxweyne Xaaf.

Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net