Wasiir qirtay inuu basaas u ahaa Iiraan

Gonen Segev  oo ahaa Wasiir hore oo ka tirsanaan jiray Israa’iil ayaa qirtay inuu basaas u ahaa Iiraan .

Waxaa uu  ahaan jiray wasiirkii tamarta Israa’iil bartamihii sagaashamaadkii waxaana lagu waddaa in lagu rido xukun dhan 11 sanno oo xarig ah.

Gonen Segev ayaa lagu eedeeyay in xog ku saabsan suuqyada tamarta, saldhigyada ammaanka Israa’iil iyo xog ku saabsan saraakiisha sirddoonka uu u gudbin jiray dalka Iiraan.

Dacwad oogayaasha Israa’iil waxay sheegen in arrintani uu ku tallaabsaday markii Segev uu ku sugna dalka Nigeria tan iyo sannadkii 2012-kii ilaa sannadkii lasoo dhaafay.

Gonen Segev ayaa xabsiga la dhigay isagoo la sheegay inuu jaajuus u ahaa Iiraan.