Wasiirkii Degaanka iyo Qorsheynta Gudaha ee dalka Burundi Emmanuel Niyonkuru ayaa la dilay xalay sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda dalka Burundi.
Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa sheegay in wasiirka la dilay xalay Saqdii dhexe , islamarkaana loo maleynaayo dilka in ay ka dambeysay haweenay ciidanka Booliska ay gacanta ku dhigeen.
Wasiirka la dilay ayaa da’diisa lagu sheegay 54 sano jir.
Pierre Nkurunziza Madaxweynaha dowladda Burundi ayaa sheegay in falkaasi uu yahay mid laga naxo, islamarkaana ciqaab adag la marsiin doono cidii ka dambeysay dilka Wasiirka.


