Wararka naga oo gaaraya magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in uu iscasilay wasiiru dowlihii Madaxtooyada iyo xiriirka Caalamiga ee maamulka Puntland.
Wasiiru dowlihii Madaxtooyada ee Xariirka caalamiga ah Maxamed Cabaas Macalin Cumar ayaa sheegay in uu xilka iskaga casilay sababo asaga u gaar ah .
Wasiiru dowlaha ayaa sidoo kale sheegay in uu warqadiisa u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas , islamarkaana uu ka aqbalay.
Dhawaan ayay aheyd markii uu iscasilay wasiirkii warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soo socade oo ka mid ahaa madaxda ugu firfircoon maamulka Puntland.


