Wasiir ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle oo la dilay

Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Mamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaasi lagu dilay Wasiirkii Beeraha & Waraabke ee Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Xildhibaan Cabdulqadir Karaaani.

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay Wasiirka rasaas ku fureen xilli uu ku sugnaa meel aan ka fogeen Hooygiisa oo ku yaalla Xaafada Hant-wadaag ee magaalada jowhar, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Alle ha u naxaristee Wasiirkii Beeraha Hir-Shabeelle Xildhibaan Cabdulqadir Maxamed Karaaani ayaa xilka Wasiirnimo waxaa loo Magacaabay 11-kii Bishaan, iyada oo xilkaasi laga qaaday  Xildhibaan Cali Xaaji Cabdulle Isgoowe.