Wasiir ka tirsan DF oo ku guuleystay kursiga Baarlamaanka

Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Maamulka Koofur Galbeed waxaa maanta ka socota Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Cusub ka soo galaya Degaanada Koonfur Galbeed.

Doorashada oo maanta ku socota si Habsami leh waxaa ku soo baxay dhowr Mudane oo ka mid noqday Xubnaha Cusub ee Aqalka Hoose.

Mas’uuliyiinta ku soo baxay Doorashada maanta waxaa ka mid ah Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Nuur iyo sidoo kale Saalim Cali Ibrow.

Ammaanka Caasimadaha Maamul Goboleedyada oo ay Doorashadu ka socoto ayaa si weyn loo adkeeyay.