Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ka mid noqday dadkii maanta ku dhintay Qaraxyadii iyo Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda.
Sida wararku sheegayaan Wasiir kuxigeenka oo sidoo kale ahaa Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu ka mid noqday dadkii ku geeriyooday qaraxa dhismaha Wasaaradda.
Waxaa sidoo kale dhaawacyo iyo dhimasho ku noqday Qaraxyadaasi qaar ka mid ah Shaqaallaha Wasaaradda.
Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa xaqiijiyay in la toogtay Afar ka mid ahaa Raggii weerarka ku qaaday dhismaha Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya.
Guud ahaan Waxaa lasoo Afjaray Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Wasaaradda, waxaana hadda gacanta ku haaya Ciidanka dowladda Soomaaliya.



