Wasiir Jamaal “Waxbaan ka qabaneynaa Hay’adaha dhuumaaleysiga kaga shaqeeya dalka”

Wasiirka Qorsheynta ee Xafiiska la xiraayo

Muqdisho-RisaalaFM- Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan Hay’ado qaab dhuumaaleysi ugu shaqeysta dalka, kuwaasi oo ka dhuunta Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Wuxuu sheegay Wasaaradda Qorsheynta in arrimahaasi wax ka qabaneyso, muhiimna ay tahay Hay’adaha Soomaaliya caawinaya in ay sameeyaan waxa ay rabto Dowladda.

Sidoo kale Wasiir Jamaal ayaa sheegay in Wasaaradda ay tallaabo ka qaadeyso Hay’adahaasi, waloow aanan cadeyn Nuuca tallaabo ay ka qaadeyso Hay’adaha aan Dowliga aheyn ee NGO-yada.

Hay’adaha Caalamiga ee Shaqooyinka waa weyn qabta ayuu sheegay in ay yaqaan shuruucda dalka, isla markaana ay soo maraan Shuruudaha Dalka u ogolaanaya in ay ugu howl galaan.