Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeelanaya Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa waxa uu ka dhacaya Xaunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa looga hadlaya kulanka qorshaha Xukuumada ee dhisidda Golaha Adeega Garsoorka.
Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Xukuumada Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa Xildhibaanada hortagaya oo Su’aalo laga weydiinaya dhismaha Golaha Adeega Garsoorka.
Kulankii ugu dambeeyay ayaa Xildhibaanada qaarkood waxa ay soo gudbiyeen Mooshin ay ku dalbanayaan in Wasiirka Cadaaladda uu Baarlamaanka hor yimaado.
Su’aalo adag ayaa la weydiin doonaa Wasiirka Cadaaladda kuwaasi oo ay ka mid yihiin sababta uu u dhaqan gelin waayay Sharciga 28 lr ee dhisidda Golaha Adeega Garsoorka.


