Wasiir Goodax oo amar dul-dhigay Jaamacaddaha dalka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku amray Jaamacadaha dalka ka jira in aysan qaadan karin Arday aan soo marin Imtixaanka dowladda,isla markaana Wasaaradda waxbarashada la socon doonto.

“Maanta laga bilaabo wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  waxay go’aan ku gaartay islamarkana jaamacaddaha dalka ka mamnuucday  inaysan qaadan Karin ardey aan soo marin imtixaanka qaran ee dalka, waana ku kormeeri doona dhammaan jaamacaddaha”ayuu yiri wasiirka waxbarashadda Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka sannadkan uu dhici doono 11 ilaa 16-ka bisha May ee soo socota.

Wasaaradda waxbarashadda xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin laha waxbarashada dalka iyo qabsoomida imtixaanka sannadkan.