Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamig Xukuumadda , Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo hadda ku sugan dalka Masar, ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Ahmed Aboul Gheit, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, isku duwidda iyo adkaynta taageeridda qarannimada Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta taageerada Jaamacadda ee joogtada ah iyo garab-istaaggeeda dhowridda midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta ujeedooyinka wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta u dhexeeyay, iyadoo laga shaqaynayo dejinta istiraatiijiyado wax ku ool ah oo looga hortago caqabaha heer gobol, waxaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaalidihii ugu dambeeyay gobolka geeska afrika iyo mowqifyada caalamiga ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.



